SAWIRRO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo Gaarey Magalada Baydhabo

0

Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG u ah Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya,ayaa  waxa gaaray wafdi uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya ahana kusimaha Madaxweynaha Maxamed Mursal Sheekh C/Raxmaan.

Socdaalka Wafdiga Guddoomiyaha ayaa waxaa qeyb ka ah xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya,waxana garoonka diyaaradaha ee Magalada Badyabao ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan dowlad Goboleedka koonfur galbeed oo ay ugu horeeyaan Madaxweynaha Koonfur galbeed Shariif xasan Sheekh Aadan, Gudoomiyaha Barlamaanka koonfur Galbeed /qaadir Shariif Sheekhuna Maye,mas’uuliyiin kale iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Guddoomiye Maxamed Mursal ayaa safarkiisa oo ay ku wehliyaan xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka,waxaa ujeedkiisa lagu sheegay wadatashiyo uu la sameyn doono xildhibaanada dowlad goboleedka koonfur galbeed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada,iyadoona wararka qaar ay sheegayaan in uu ka qeyb qeyb geli doono Kalfadhiga 5-aad ee Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed oo Maalinta beri ah ka furmi doono Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay.