Dowlada Turkiga oo cambaareysay Qaraxyadii shalay ka dhacay Muqdisho

0

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaarada Arimaha Dibada ee Turkiga ayaa lagu cambaareeyay Qaraxyadii iyo Weerarkii tooska ahaa ee kooxda Al-shabaab ay ku qaadeen Xarunta Wasaaradaha Arimaha Gudaha iyo Amniga Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Warka ka soo baxay dowlada Turkiga ayaa loogu tacsiyadeeyay ehelada iyo asxaabtii dadka ku geeriday Qaraxyadii shalay dhacay Muqdisho waxaa sidoo kale Alle ay ugu baryeen inuu bogsiiyo dadkii dhaawaca uu ka soo gaaray.

Dowlada Turkiga ayaa sheegtay in weerarkaas uu ahaa weerar bahalnimo ah oo lagu carqaladeeynayay amaanka iyo Xasiloonida Soomaaliya.