Akhriso:-Wasiirka Boostadda iyo Isgaarsiinta Soomaaliya oo Mar Kale La Eedeeyay

0

Shirkadaha Isgaarsiinta dalka ayaa mar kale eedeen waxa ay u jeediyeen Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Eng Canshuur.

Shirkadahaan oo War-saxaafadeed soo saaray ayaa beeniyay war dhawaan kasoo yeeray Wasiirka oo ku aadanaa in shirkadaha dalka lagala tashaday sameynta Guddiga Isgaarsiinta Qaranka.

Waxa ay sheegeen in aan wax wada-tashi ah lagala sameyn, sameynta Guddiga Isgaarsiinta Qaranka ee dhawaan la sameeyay,islamarkaana wasiirka uu iska diiday talooyin ay u jeediyeen.