TOPNEWS:-Hay’adda Lacagta Aduunka oo Dowladda Soomaaliya ka taageeraysa tayeynta Shaqaallaha Dowladda

0

Hay”adda Lacagta Aduunka ee IMF ayaa sheegtay in Waddo Dagaalo kala duwan oo ay ku tayeeneyso Shaqaalaha sidoo kale Adeegyadda ay bixiso Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale Hay’adda ayaa sheegtay in bilihii lasoo dhaafay ay socdeen dadaallo ku aadan sidii Sare loo qaado hanaanka Maaliyadda Soomaaliya sidoo kale la xoojiyo Khibradda Shaqaallaha ka shaqeeya Wasaraada Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Dhanka kale War ka soo baxay Hay’adda IMF ayaa lagu bogaadiyay dadaallada Maaliyadda ee ay waddo Dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale bixinta Mushaaraadka Shaqaallaha Dowladda.

Ugu dambeeyntii Warka ka soo baxay Hay”adda IMF ayaa lagu sheegay in shaqaalle ka tirsan Hay’adda IMF oo leh Khibrad dheeri ah in ay hadda wax ka waddaan Mashaariicda loogu tala galay in lagu Xoojiyo Maaliyadda Soomaaliya.

Sikastaba ha ahaate Hay”adda Lacagta Aduunka ee IMF ayaa inta badan wax ay Dowladda Soomaaliya ka Caawisaa sidii Sare loogu qaadi lahaa,isla markaana loo tayeen lahaa Kaabayaasha Dhaqaalaha Dowladda ee kala duwan.