DHAGEYSO+SAWIRRO:- Maamulka Puntland oo ciidamo hor leh geeyay deegaanka Tukaraq

0

Ciidamo oo hor leh oo ka tirsan Maamul goboleedka Puntland ayaa gelinkii dambe ee shalay waxa ay gaareen deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, halkaasi oo xiisad colaadeed ay ka taagan tahay.

Ciidamadaan ayaa waxaa Puntland ku wareejiyey mid ka mid ah beelaha dega deegaanada Puntland, waxaana kala wareegay guddiga difaaca Puntland, kuwaas oo maalmahaan ku sugnaa deegaanka Tukaraq.

Qaar ka mid ah golaha wasiirada Puntland oo ka mid ah guddiga difaaca Puntland oo munaasabada wareejinta ka hadlay ayaa waxa ay sheegeen in ciidamadaas ay ka qeyb qaadan doonaan xoreynta gobolka Sool, Sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaano iyo waxgaradkii ciidamada wareejiyey ayaa waxa ay sheegeen in ay go’aansadeen in ciidamadaas ay ka mid noqdaan ciidamada difaaca Puntland, isla markaana ay diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada dagaalka Puntland ay kula jirto Somaliland.