DHAGEYSO:- Somaliland ” Waa u araynaa Dilka lo geeystay Taliyihii Militeriga Taleex ”

0

Wasiirka Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta Maamulka Somaliland Saleeban Cali koore oo shir jaraa’id ku qabtay Magaaladda Hargeysa ayaa sheegay in Puntland ay kadambeyso Dil xalay loogu geystay duleedka Taleex Taliyihii Ciidanka Miliateriga Taleex ee Somaliland Saleeban Cabdi caateye.

Dhinaca kale Wasiirka ayaa shegay sido kale in dhaawac loo geeystay Guddomiyihi Somaliland ugu magacwnaa Taleex Cabdirashiid,isagoo sheegay in arrintaas jawaab deg deg ah ka bixin donaan.

Sido kale dhinacooda waxaa ka hadlay Arrintaas qaar kamid ah Xildhibanada Somaliland ,iyago ku tilmaamay falkas mid gardaro ah oo aysan ka amuusi doniin Ciidamadda Somaliland.