QORMO:- Guddoomiye Yarisow ” Madiidani jardinooyinka la dhisayo lakin Nidaamka diiday ”

0

Injiyeer,Cabdiraxmaan waa nin aan ku cusbayn siyaasada dalkeena in uu kasoo dhex muuqdo,isagoo lasoo shaqeeyay dawlado hore iyo tan hada maanta shaqaynaysa dalkeena.Hayeeshee waa nin lagu yaqaan karti daacadnimo iyo wadaniyad buuxda. waa nin ay waligiiba ka go nayd in uu dalkiisa hooyo soomaaliya kabad baadiyo mashaakilaadka colaadaha iyo faqriga xasi looni darada amaan oo ay keentay dawlad la aanta.

Waxa hadafkiisu yahay soomaaliya oo hesha dawlad buuxda oo shaqaysa,taasoo hanata dalka oo dhan.Aad ayaan uugu faraxsanahay anagoo ah shacabkii soomaaliyeed dal iyo dibadba in aan aragno ENG.YARIIS oo ah nin ka hufan qabyaalad dib usocod iyo hagardaamayn dalkeena. waxa uu noo yahay tusaale cad isagoo MOGDISHO kusoo dabaalay bilicdeedii iyo haybadeedii aynu soomaaliyeey inagu ku burburinay gacmaheena.

Waxaa nin waliba maanta arkaa hagrashada iyo hagardaamada lagu hayo duqeena caasimadeena MOGDISHO hawsha qaranimo ee uu kawado MOGDISHO iyadoo cadawgu diidan yahay in walaalkeen ku guulaysto soocelinta bilicdii iyo karaamadii iyo dhismihii ay lahayd MOGDISHO bari samaadkii. waxay ka xaasidayaan libintaa iyo magacaa in uu helo walaalkeen yariisoow. waxay xaasida yaan sidoo kale in soomaaliya ka bogsato madaxa oo ah jirka meesha uugu muhiimsan taasoo ah MOGDISHO oo haday hagaagto caalamku kusoo dhiiranaayo imaanshaha iyo maalgashiga dalkeena iyo caasimadeena.

Waxay ka xun yihiin oo dhibaysa MOGDISHO waa nabad. dadka noocaan ah waa laba kooxood,kooxi waa kuwo ka soo hayaamay gobolada waqooyi oo aamin san MOGDISHO haday ahaato uun meel aan amaan ahayn dawladi ku shaqayn karaynin waxaad helaysaan aqoonsi ah SOMALILAND.Kooxdan waxaa hogaanka u haya Ethiopia iyo dawlado shisheeye oo leh yurub iyo carab intaba.

Kooxda labaad waa kooxdii la dhumiyay,waxaay kayimaadeen gobolada dhexe iyagoo siyaasada iyo hagidaba ka qaata kooxda hore sidaas ayaa kuwan loo yiraahdaa kooxdii la dhumiyay.hadaba qoladan la dhumiyay iyagu hadaf siyaaso malaha iyo waxay tiigsanayaan midna hasa yeeshee waxay dhib wayn u gaysteen amaankii shacabka koonfureed waxayna boobeen hantidii umada mid guud oo dawladeed iyo mid gaar ahaaneed oo shaqsi leeyahay intaba.

Kooxdan la dhumiyay,malaha dhaqan magaalo joog oo waa dad baadiye ku nool ahaa,nasiib daro maysan helin dawlad soomaaliyeed oo dhisan oo siisa duruus ah laqabsiga magaalo joognimo. waxaan ognahay in magaaladu leedahay qawaaniin,sharci iyo edaab loo joogo,waxaa jira xuquuq darisku isku lee yahay iyo xurmo iyo xeer dadka u kala dhexeeya oo lagu wada noolaado.

Nasiib daro kuwan la dhumiyay waxay kusoo qamaameen magaaladii,nin waliba guriga uu taabsado isagaa leh,guribaa la taabsaday fahan macnuhu waxaa weeye dadkii lahaana wuu xasuuqay. kuma ekaan guyahaa la taabsaday oo kaliya waxay dageen iskuuladii iyo jaamacaadkii iyo isbitaaladii iyo meelaha qaarkood laamigii badhtankiisii. waxay dageen guri kasta oo ahaa hanti dawladeed,intaa kuma ekaan ee waxay dageen jardiinooyinkii iyo beerihii danta guud ee loogu talagalay bilicda iyo quruxda magaalada reer magaalkuna ku raaxaysto oo ku nasto sida magaalooyinka calaamka oo kalaba.

Mashaakilka jira ayaa ah,duqii magaalada waxa uu kasoo jeeda dad ilbax ah,isaguna waa nin kaa ah dhalmagaalo oo garanaya,in hada laga baxo dhaqanka fawdada oo magaalada lagu soo dabaalo sharci iyo nidaam iyo kala danbayn. waa nin garanaaya waxa afka ingiriiska lagu yiraahdo City Plan iyo City Law oo ah qoshaha dhismaha magaalada iyo nidaamka sharciyeed ee loogu noolaado caasimada.

Hadaba ninkan jardiinka dagay waa aragnaayoo isagu dhul baadiye ah oo iska banaan oo fidsan ayuu kolba meeshuu doono waaban jiray oo iska dagi jiray!! kani mayaqaan qaab nololeedka magaalo. waxaase layaableh midka ku jira hada baarlamanka dalkeena kan ah sargaal dawlada u shaqeeya oo waliba xil sare ka haya,oo ku doodaya duqa magaaladu reer ayuu u dan leeyahay isagoo taageeraya in jardaniino la dhisto!!

Dalkeenu maha xiligii fawdada hada dawlad ayaa jirta,waa in sharciga iyo kala danbaynta la raacaa oo loo hogaan samaa sharciga ilbaxnimada iyo nabada iyo nolosha.maha in laami loo qaato wadiiqo geel oo la dagi karo! ninka u haysta sharciga dawliga ah wax uu wato ENG.yariisoow ee u doodaaya jardiin aan dhistee maa layga leexdo hade waa cawaan diin iska dhaafe sida aadamuhu u noolaado aan garanayn dhab ahaan.

Eng.Yariisoow maha cida wax kugu qasbaysa ama kugu amraysa ee waa nidaamka dawliga ah iyo sharciga ayaa qaba sidan jardiinkana malaha Eng.Yariisoow ee waxaa leh Caasimada soomaaliya MOGDISHO dadka oo dhan ayayna ka dhaxaysaa.

Run ahaan tii 2018 dad aqligoodu iyo garashadoodu iyo ilbaxnimadoodu sidan tahay ayaa jira ismaba lahayn! nimankaan niman XAMAR kusoo sirmay ayaan u arkaa,laakiin dantaa baraysa,waa taabsaday iyo waa iska dhistay XAMAR ma cunto sheekadaa.

Dawlada soomaaliyeed dalkaan waa u dhaarteen xilbayna ka hayaan,waa in lasoo celiyaa nidaamkii caasimaded ee MOGDISHO sida uugu dhaqsaha badan.waana in danbiilaha sharciga lamariyaa,maxaa yeelay waxa uu doonayaa in loo saamaxo wuxuu dad laayay,iyo qiimaha intuu daganaa guyaha dadka iyo guryaha dawlada wuxuu lacag ku socotay.waana xaqdaro in loo cafiyaa dunuubtaas.

Ninbaa iskool dagan,xaqmaha in layiraahdo kabax,xaqu waa in la xisaabiyaa haday dil tahayna la dilaa haday xabsi tahayna laxabisaa. waxaa lamid ah kan jardiinka dagay.qofkan la leeyahay meesha kabax uun waa dawdaro iyo cadaalad daro waa in sharcigu shaqeeyaa danbiilaha lamariyaa ciqaabtiisa.dadkaan laayay guyahan dhacay hadana lacag iigu dara waliba indha adaygayaa oo kabiximaayo maha wax sina loo aqbali karo.

Nin xiriirkii illaahay gooyay tuugmo malaha oo mujrim ah waa in gacan bir ah lagu qabtaa hadaynu dhab ahaan rabno in aynu noqono dawlad iyo dal jira soomaaliyeey.hadaan cadawga dawlad diidka ah la wajihin dawladnimo inaga dheer soomaaliyeey. Aduunka dawlad aan seef lahayni dawlad maha. maxaa yeelay nin illaahay ka furtay oo dhiig islaameed cabay oo hanti islaameed haysta ayaa ku hortaagan xaqu waxaa weeye in aad kurka ka goyso malaha daawo kale,waxaana sidan qaba sharciga dawliga ah iyo dastuurka dalkeena. dawlad kasta oo caalamkana sidaa ayay yeeshaa macnuhuna waxaa weeye majiri karo nin xasiloonida nidaamka iyo amaanka qaran leeyahay kahor imankara oo fowdaynkara.

waxaan u rajaynayaa walaalkeen Eng yariisoow duqa caasimadeena MOGDISHO in uu ku guulaysto hadafkiisa xaqa ah ee ah fulinta sharciga iyo nidaamka caasimadeena.in uu ku soo dabalo qiimihii iyo maqaamkii ay shalay lahayd caasimadeenu.