AKHRISO:- Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyada ee Gobolka Mudug oo La Magacaabay

0

Wareegto ka soo baxday xafiiska Wasiirka maaliyadda dowladda Puntland Cabdulaahi Siciid Caarshe ayaa lagu magacaabay Xisaabiyaha cusub ee Wasaaradda maaliyadda ee gobolka Mudug.

Mudane Ismaaciil Cabdinuur Maxamuud Diirye (Geesey) ayaa loo magacaabay Xisaabiyaha cusub ee wasaaradda, waxaana uu bedelaya xisaabiyihii hore Barkhad Aadan oo lagu eedeeyay Lunsasho hanti dowladeed, sidoo kalena Maxkamada Gobolka mudug ay amar ku bixisay in la soo xiro.

“ Laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 04 July 2018 loo magacaabay Xisaabiyaha gobolka Mudug ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Ismaaciil Cabdinuur Maxamuud Diiriye ( Geesey), waxaana laga doonaaya in uu la yimaado Hufnaan, Hawlkarnimo iyo dadaal dheeri ah” ayaa lagu yiri wareegta wasiirka maaliyadda

Xisaabiyaha Cusub ee la magacaabay ayaa ah Nin dhalinyaro ah oo muddo ka soo shaqaynayay Shirkadaha waaweyn ee ganacsiga ee Puntland ka howlgala. Wuxuu maamule ka soo noqday shirkadda Golden Standard oo xarunteedu tahay magaaladda Bosaso.