Akhriso:-Ganacsatada uu Amarka ku soo rogay Maamulka Gobolka Banaadir

0

Ganacsatada uu quseeyo amarkii kasoo baxay maamulka Gobolka Banadir ee ku saabsanaa in dowladda hoose ay dinb ula wareegtay Jardiinooyinka iyo beeraha ay lahayd ee maamulladii hore ay bixiyeen ayaa soo saaray war-saxaafadeed.

Ganacsatadan ayaa dawladda uga digay inay caddaallad darro ku shaqeyso, waxayna ka codsadeen haddii ganacsigooda la duminayo ama dib loogala wareegayo in la siiyo magdhow, mar haddii ay si sharci ah ay ku dhisteen heshiisna ay la galeen dowlad iyo maamul jiray.

Qoraalkooda waxay ku sheegeen inay heystaan ruqsad sheegaysa qaabka loogala noqonayo goobahaas hadddii ay dawladdu u s oo bahato, ayna ku caddahay heshiiska ay la galeen maamulka Gobolka Banaadir.

Ganacsatada ayaa madaxda sare ee dalka ka codsaday inay arrintan soo farageliyaan iyagoo cabasho ka keenay go’aanka duqa magaalada Muqdisho uu iskiis u gaaray, waxayna wax lala yaabo ku tilmaameen in muddo bil ah loo qabto inay ku qaataan dhismooyin waweyn oo hanti abdan ku baxday, iyadoo dalbaday in la tixgeliyo heshiisyadii ay dowladdu gashay.