TOP NEWS:- Axmed Madoobe oo isku shandheyn ku sameyaay Golahiisa Wasiirada

0

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam(Madoobe) ayaa Caawa waxa uu Isku-Shaandheyn ku sameeyey Golihiisa Wasiirada halka kuwo kale qaarkood uu xilkii ka qaaday.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Jubbaland.ayaa lagu sheegay in wadatashi uu la sameeyey ku xigeenadiisa iyo baahida loo qabo dardargelinta howlaha shaqo ee Jubbaland in uu isbedel iyo Isku-shaandheyn ku sameeyey Golihiisa Wasiirada.

Xilka qaadista iyo Isku-shaandheynta Golaha Wasiirada Doowlad Goboleedka Jubbaland ayaanan wax saameyn ah ku yeelan Wasiirada miisaanka culus,sida amniga Arrimaha Gudaha iyo Wasiiro kale.