DHAGEYSO:-Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Puntland oo Dhaliilay Dawlada Dhexe Soomaaliya

0

Wasiirka wasaarada Warfaafinta dawlada Puntland Mudane Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa ka hadlay Shir dhawaan ka dhacay magaalada Garowe ee caasumada dawlada Puntland kaasoo laga soo saaray qodobo dhowr kuwaasoo uu sheegay in hada ay jabisay dawlada Dhexe ee Soomaaliya.

Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa sheegay shirkaasi wixii kasoo baxay dawlada Soomaaliya inaysan meel marin isla markaana ay lumisay qaybo kamid ah qodobadii lagu heshiiyey.

Wasiirka wasaarada Warfaafinta Puntland ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in Shirkajaa,id uu ku qabtay Garowe ay ku midaysan yihiin dhamaan maamul goboleedyada Dalka Soomaaliya.