DHAGEYSO:- Wasirka Arrimaha dibada Somaliland oo sheegay in la fariisan donaan DFS

0

Dhowr mar ayaa waxaa dhacay wadahadalo dhex maray Wakiilo ka kala socday Dowladihii ka horeeyey dowladda hadda jirta iyo Maamulka soomaaliland,kuwaas oo aan ka soo bixin wax natiijo ah,waxana sidoo kale dhawaan DFS iyo Soomaaliland ay shaaciyeen in markale la wada hadli doonaan.

Hadaba su’aalaha la’isweeydiinayo ayaa ahaa waxa hortaagan in markale dib u bilaawdaan wadahadaladaas,waxana ka jawaabay Maamulka Soomaaliland,iyaga oo soo bandhigay qodobo hakiyey in la wada hadlo.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliland liibaan Yuusuf Gaaxnuug ayaa sheegay in mar walba Soomaaliland ay diyaar u tahay in la wada hadlo,isla markaana lagu kala baxo waxayabaha keenay khilaafka faraha badan.