Akhriso:-Dadka deegaanka iyo Al-shabaab oo ku dagaalamay Gobolka Mudug

0

Wararka ka imaanaya degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in deegaanka Caad oo u dhaxeysa Xarardheere iyo Camaaro ay ku dagaalameen dadka deegaanka iyo kooxda Al-shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii dadka deegaanka ay weerar ku qaadeen dagaalameyaasha Al-shabaab oo ku sugnay deegaanka Caad.

Kuwaas oo ka careysnay markii Al-shabaab ay ka dalbadeen in ay bixiyaan xoolo ay ku tilmaameen Sakawaad iyo Waxgaradka deegaanka oo ay weydiisteen dhalinyaro ka barbar dagaalanta.

Wararka la helaayo ayaa sheegaya in Saaka uu dhacay dagaal xoogan oo dhinacyadaas u dhaxeeyay inkastoo aan la hubin khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaasi.