SAWIRRO:-Banaabax ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug

0

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ayaa maanta waxaa ka socda Banaanbax xoog leh oo ay dhigayaan Qeybaha Bulshada oo ka cabanaya Sicir Barar ka jira magaalada Kadib markii ay Ganacsatada diideen iney qaataan Lacagta Shilinka Soomaaliga ah.

Banaabaxayaan u badan Dumar iyo dhalinyaro dan yar ah ayaa isugu soo baxay qaybaha magaalada Waxayna dhigayaan Dibad Xoog leh sida ay soo sheegayaan Wariyaasha ku sugan magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug.

Dadka banaanbaxaya ayaa wata Boorar ay ku qoran tahay hal ku dhigyo looga soo horjeedo Ganacsatada Gobalka oo ay ku eedeyeen iney halis geliniyaan Nolasha deegaanka iyo dadka reer Gaalkacyo.