DHAGEYSO:-ONLF oo Xog cusub ka bixisay qorshaha dowladda soomaaliya ee Qalbi Dhagax

0

Ururka ONLF ayaa beeniyey hadal uu sheegay safirika Itoobiya ee Soomaaliya Jamaaluddiin Mustafa Cumar oo ahaa in Cabdikariim Muuse Qalbi Dhagax lagu sii daayey codsi ka yimid dawladda Soomaaliya.

Afhayeenka ururka ONLF Caddaani Hirmooge ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan wax lug ah ku lahayn sii daynta Qalbi-Dhagax.

Hirmooge ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ahayd tii markii hore Qalbi-Dhagax u gacan gelisay Ethiopia, islamarkaana aysan jirin sabab ay iminka kusii dayso.

Waxa uu sheegay inay dayso iska daayee, in dowladda Soomaaliya ay isku dayaysay inay Qalbi-Dhagax lagu sii hayo xabsiga, illaa inta ay ku guuleysaneyso in la sheego in ayada ay sii daysay.