Akhriso:-Faah faahin ka soo baxeysa Kooxo Hubeysan oo Wiil dhalinyaro ah ku dilay Suuqa weyn ee Bakaaraha

0

Waxa Warar dheeraad ah ay ka soo baxayaan Kooxo hubeysan Oo Wiil dhalinyaro ah ku dilay Suuqa weyn ee Bakaaraha ee Degmada Howl-wadaag ee Gobolka Banaadir.

Dilka ayaa goob joogayaal waxa ay shegeen in uu si gaar ah uga dhacay qeybta Daawada ee Suuqa Bakaaraha,isla markaana Wiilka la dilay uu ka mid ahaa Dhalinyarada kabaha ku iibiso irida hore ee Masaajidka Daawada oo ah meel ay Bulshada aad ugu badantahay,ayna ku yalaan Goob Ganacsi oo fara badan.

Dableyda ku hubeysneed Bastoolado ayaa la sheegay in ay ku toogteen goobtiisa Ganacsi ee uu kabaha ku iibinayey Wiilka Dhalinyarada ah,isla markaana dhowr Xabadood ay ku dhufteen,xilli uu Salaadii Casir ku soo dukaday Masjidka Daawada ee Suuqa Bakaaraha ka dibna ay baxsadeen.

Ciidamo ka tirsan Dowladda ayaa sida Caadada aheyd gaaray Goobta uu dilka ka dhacay,ayaa sameeyay Howlgal lagu baadi goobayo Raggi dilka ka dambeeyay,inkasto aysan cidna u soo qabanin Dilkaasi.