Dowlada Soomaaliya oo sheegtay in wadada nabada aysan ka leexin doonin Hoobiyaashii ku soo dhacay shalay Muqdisho

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaareysay weerarkii Hoobiyaha ahaa ee ka dhacay degmada Wadajir 1-da Luulyo 2018, waxayna Dowladda Federaalka tacsi tiiraanyo leh u dirtay Qoysaskii dadkii noloshooda ku waayay weerarkaas, iyadoona u rajeysay kuwa ku dhaawacmay in si deg deg ah Alle u bogsiiyo.

Sidoo kale, Dowladda ayaa ciidamada ammaanka ee Soomaaliya ku ammaantay iyo kuwa AMISOM sida deg deg ah ay uga jawaabeen dhacdada.

Warka ka soo baxay Dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay iney ka xun yihiin in weerarkaan foosha xun iyo fuleynimada ah ku soo beegmay maalinta xornimada Soomaaliya, maalin ay farxad iyo damaashaad u ku jiro Qarankeenna iyo dadka intaba.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku celineysaa in falalka argagixisanimo aysan Soomaaliya ka saari doonin waddada nabadda iyo dhismaha dawlad-goboleedyada, waxayna ku nuuxnuuxsanaysaa sida ay uga go’antahay inay dhisto mustaqbal ammaan ah oo barwaaqo ah.