Wasiir Axmed-Kheyr oo La Kulmay Wasiirka Xiriirka Caalamiga ee South Africa

0

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Axmed-Kheyr Cabdi ayaa kula kulmay Magaalada Nouakchott ee dalka Mauritania Wasiirka Xiriirka Caalamiga iyo Iskaashiga ee South Africa Marwo Lindiwe Sisulu, intii lagu guda jiray Shirka 33,aad ee Wasiirrada Arrimaha Dibadda Midowga Afrika, waxayna ka wada hadleen qaabkii lagu horumarin lahaa iskaashiga laba geesoodka oo heerar kala duwan leh.

Labada dhinac ayaa bogaadiyay xiriirka xooggan ee labada dal u dhexeeya, waxa ayna muujiyeen xiisaha ay u qabaan hagaajinta heerka iskaashiga laba geesoodka oo dhinacyo kala duwan leh.

Dhinaca kale, Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa uu kulan kale la yeeshay Dhiggiisa Jamhuuriyadda Seychelles Mudane Barry Faure.

Intii lagu gudajiray kulanka ayaa waxaa la isku dhaafsaday hadallo diirran oo ka tarjumayay qoto dheerida xiriirka taariikhiga ah ee laba dal u dhexeeya iyo xoojintiisa oo dhinacyo badan leh oo u adeegaya danaha wadaagga ah. Labada dhinac ayaa waxa ay ka doodeen arrimaha ugu muhiimsan iyo horumaradii ugu dambeeyay ee gobolka iyo dunida inteeda kale.