Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay 1-da luulyo

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxmed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay maalinta Xorriyadda ee 1-da Luulyo.

“Waxaan ugu hambalyaynayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan maalinta Xorriyadda Gobalada Koofureed ee dalka iyo Midowgii Gobalada Waqooyi iyo Koofur Soomaaliya.” ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Magaalada Muqdisho Gobalada Dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacay Munaasabado waawayn oo loogu dabaal gadayo maalinta xorrnimada Golada Koofureed ee dalka.