DHAGEYSO:-Shil Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Degmada Wadajir

0

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay shil gaari oo saakaye ka dhacay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Shilkan ayaa yimid kadib markii uu fariin goostay gaari Gaarib ah oo marayay Suuqa xaafadda Kaawa Godey ee degmadaasi.

Waxaana la sheegay in ay ku dhaawacantay Gabar ka mid ah dadka deegaanka, taas oo dhaawaceeda loola cararay mid ka mid ah Isbitaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa gaarigaasi uu burburiyay goobo ganacsi oo ku yaallay Suuqaasi, sida ay xaqiijiiyeen Ilo deegaanka ah.