DHAGEYSO:-Guddoomiyaha Degmada Jalalaqsi oo ka warbixiyay Xaaladaha xiligaan ka taagan Degmadasi

0

Guddoomiyaha Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan,Maxamed Cabdulle Fiidow ayaa sheegay in xiligan Degmada Jalalaqsi aysan ka jirin Wax dhibaata ah,isla markaana Xaaladda ay tahay Mid dagan,waxa uuna tilmaamay in Shacabka ku Nool Degmada Jalalaqsi iyo Degaanada hoosyimada ay heestaan nabad una u rajeynayo in ay ku sii Noladaan sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale Guddoomiyaha Degmada Jalalaqsi ayaa sheegay in Howlgalkii Al-shabaab looga saarayo Tuuloyinka hoosyimada Degmada Jalalaqsi ay wali socdaan,isla markaana todobaadkii labo mar uu Degmada ka dhaco shir looga hadlayo Amniga iyo sida loo Xaqiijin karo.