DHAGEYSO:-Maamulka Degmada Qoryooley oo ka qeyb qaadanaya Dagaalada Al-Shabaab ka dhanka ah

0

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka degmada Qoryooleey ayaa ku biiray dagaal ka dhan ah Al-shabaab oo maalmihii la soo dhaafay ku soo laa laabtay duleedka degmada Qoryooleey ee gobalka Shabeelaha Hoose.

Guddoomiye ku xigeenka iyo Xubnaha kale ee maamulka ayaa la sheegay iney toos uga qeyb galaan dagaalka waxaana kii ugu dambeeyay ee shalay dhacay oo Al-Shabaab looga dilay 4 Dagaalame dadkii ka qeyb qaadanayay ka mid ahaa Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo Siyaasadda ee degmadaasi Maxamed Cabdi C/llaahi Gaashaan sida uu sheegay mar uu warbaahinta  la hadlay