DEG DEG :- Muqdisho lagu dhaawacay Gabar u shaqaysa Warbaahinta Dowladda

0

Warar aan Goordhow helnay ayaa waxa ay sheegayaan in Gabar Wariye ah oo ka Shaqeyneysay Warbaahinta Dowladda lagu dhaawacay Magalada Muqdisho.

Gabadha ayaa waxaa lagu Magacaabaa Farxiyo Mire Maxamuud,waxana la sheegay in rag hubeysan ay laba xabadood ku dhufteen,isla markaana mid ka mid ah Isbitaalada Muqdisho loola cararay.