AKHRISO:- Madaxweyne Gaas oo Isku shaandhayn ku Sameeyay Agaasimayaal Guud iyo Agaasime waaxeedyo.

0

Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Puntland ayaa isku shaadhayn kooban waxaa lagu sameeyay Agaasimka iyo maamulka Wasaaradda xanaanada xoolaha Puntland, iyadoo isku bedel lagu sameeyay Agaasimayaasha Wasaaradda xaananada xoolaha iyo Beeraha

Agaasimihii Wasaaradda xanaanada xoolaha Axmed cali shire (Kayse) ayaa loo bedelay wasaaradda Beeraha, halka Agaasimihii beeraha Ibraahim Cali loo bedelay agaasimaha wasaaradda Xanaanadda Xoolaha, Waxaa kaloo la isku bedelay agaasimayaasha waaxyaha horumarinta xoolaha iyo waaxda caafimaadka.

Wareegtada hoose Ka Akhriso

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 28 June 2018 xafiiskiisa kasoo saaray wareegto isku shaandhayn Agaasimayaal Guud iyo Agaasime waaxeedyo.

Xeer Madaxweyne Lr.74 ee June 27 2018 kuna saabsan isku shaandhayn Agaasimayaal Guud iyo Agaasime waaxeedyo.

Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dawladda Puntland.

Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waaya aragnimadooda shaqo

Markuu latashaday: Madaxweyne kuxigeenka Dawladda Puntland

Markuu Tixgeliyey: baahida loo qabo habsami usocodka hawlaha

wasaaraddaha

Wuxuu Xeeriyey:

Waxaa Axmed Cali Shire (Kayse)oo ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo waraabka.
Waxaa Ibraahim Xareed Calioo ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo waraabka loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha.
Waxaa Aadan Caabi Samataroo ahaa Agaasimaha waaxda Hotumarinta Xoolaha loo magacaabay Agaasimaha waaxda caafimaadka xoolaha.
Waxaa Cabdirxmaan Maxamed Jaamacoo ahaa Agaasimaha waaxda caafimaadka xoolaha loo magacaabay Agaasimaha waaxda Horumarinta Xoolaha.
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxeexo, wuuna saxeexay Madaxweynuhu.