Rag ku hubeysan Bastoolado oo dilay askari ka tirsanaa ciidamada dowladda.

0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Askari ka tirsanaa ciidamada dowladda maanta barqadii lagu dilay magaalada Muqdisho, gaar ahaan isgoyska Siinaay, halkaasoo uu ka howl galayay.

Warkan aya aintaasi waxa uu ku darayaa in Rag ku hubeysan bastoolado ay toogasho ku dileen askariga, islamarkaana waxa ay ka qaateen qori AK47 oo uu watay.

Goobjoogayaal ku sugnaa Isgoyska Siinaay ayaa sheegaya in kooxdii dilka geystay ay baxsadeen, waxaana wararka qaar sheegayaan in mooto ay wateen ku baxsadeen.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee ka howl gala Saldhiga degmada Warta Nabadda ayaa goobta dilka ka dhacay gaaray, iyagoo ka qaaday meydka askariga.

Dhinaca kale Dilkan ayaa noqonaya kii labaad oo 24-saacadood ee la soo dhaafay ka dhaca Muqdisho, iyadoo xalay nin oday ah lagu dilay degmada Xamar Jajab.

Isku soo wada duuboo Magaalada Muqdisho ayaa marka loo eego bishii Ramadaan ee la soo dhaafay dilalkii ka dhacay, waxa ay noqonayaan kuwii ugu yaraa sanadihii la soo dhaafay, waloow ay dadka jeclaan lahaayeen in aan dilba ka dhicin magaalada Muqdisho.