TOP NEWS:- Shirkada Diyaaradaha Itoobiya oo labaatan sano kadib bilaabeysa duulimaadkeeda Eritrea.

0

Shirkadda Diyaaradaha ee Ethiopian Airlines ayaa muddo labaatan sano kaddib bilaabeysa duulimaadyadeeda Eritrea, kaddib markii labada dal ay soo afjareen colaadii xadka ee u dhaxeysay.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo shalay ku qaabilay Addis Ababa wafdi sare oo ka socda Eritrea ayaa sheegay in Itoobiya ay diyaar u tahay inay bog cusub u furto xiriirka labada dal.

Abiy Ahmed ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay diyaaradda Ethiopian Airlines u bilaabi doonto duulimaadyadii dalka Eritrea oo ay joojisay sanadkii 1998-dii, xilligaasoo uu bilowday dagaalka labada dal.

“Dadka Itoobiyaanka ee muddo dheer sugayay inay tagaan magaalada Massawa ee Eritrea, waxaa ugu baaqayaa inay isu diyaariyaan in diyaaradda Ethiopian Airlines ay bilaabi doonto adeegyadeeda sida ugu dhaqsiyaha badan”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed.

Is bedelada uu sameeyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya iyo tallaabooyinkii uu qaaday ayaa suura gal ka dhigay in labada dal uu muddo 20-sano colaad u dhaxeysa ay isku soo dhowaadaan.

Shirkadda Ethiopian Airlines ayaa ka mid diyaaraddaha ugu waa weyn caalamka, gaar ahaan Afrika, iyadoo sanado ka hor ay ku guuleysatay diyaaradda ugu wanaagsan Afrika.

Eritrea ayaa sanadkii 1993-dii xornimada ka qaadatay dalka Itoobiya, waxaana labada dal oo isku qabsaday lahaanshaha deegaan u dhow xadka ka dhashay dagaal socday ku dhowaad labo sano oo lagu tilmaamay mid ka mid ah dagaaladii ugu dheeraa ee soo mara Afrika, kaasoo ay ku dhinteen kumanaan ruux.