SAWIRRO:- Puntland oo joojinaysa Tahriibayaasha Itoobiyaanka ah

0

Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Bari ee Puntland iyo Odayaasha dhaqanka ayaa kulan ku yeeshay magaalada Boosaaso waxaana ay kaga arrinsadeen waxa laga yeelayo Qaxootiga Itoobiyaanka ah ee Boosaaso gelaya.

Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Bari ee Puntland iyo Odayaasha dhaqanka ayaa kulan ay ku yeesheen Boosaaso waxa ay kaga hadleen sidii loga hortegi lahaa qaxootiga Itoobiyaanka eek u sii qul qulaya Magalada Boosaaso.

Qaxootigaas ayaa doonaya in ay ka tahriibaan Magalada Boosaaso,waxana saacadihii la soo dhaafay Magaalada Boosaaso waxaa gaaray Boqolaal Itoobiyaan ah oo lug ku galay Magaaladaas.

Gudoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Maxamed Waceys, Agaasimaha Hay’adda Qaxootiga Puntland,Burhaan Haruuse Xaashi iyo Odayaasha dhaqanka ayaa isla gartay in xal kama damebeys ah laga gaaro arrintaas.

Puntland ayaa horay u xir xirtay dhalinyaro farbadan oo doonayey in ay ka tahriibaan Xeebta Magalada Boosaaso,waxaana sidoo Baarlamaanka Puntland ay iyana dhawaan sheegeen in ajendaha ugu horreeya ee ay ka hadli doonaan uu yahay Qaxootiga Oromada u badan ee ku qul qulaya Magaalada Boosaaso.