Madaxweyne Geelle “Soomaaliya wadadii wanaagsaneed ayey cagta saartay”

0

Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka hadlay Xaaladda Soomaaliya ee amaanka iyo siyaasadda waxa uuna madaxda Dalka ku amaanay dadaalada ay wadaan ee soo kabashada Soomaaliya.

Madaxweyne Geelle ayaa sheegay iney Soomaaliya ka soo kabaneyso Dhismaha Ciidamada, Amaanka, Siyaasadda iyo dhaqaalaha markii loo eego sanadihii dambe iyo dadaalada ay sameeyeen madaxda isbadashay isagoo sheegay in la joogo waqtigii la garab qaban lahaa xaaladda soo kabashada ah.

“Wadadii isku filnaanshaha ayey ku socotaa, waxaana soo kabanaya dhismaha Ciidamada oo ay tahay iney la wareegaan amaanka dalkooda waana annaguna inaan ku taageernaa xaaladaasi wanaagsan ee muuqata, waa la gaaray waqtigii ay AMISOM ku wareejin laheyd amaanka dalkooda Ciidamada Soomaaliya laakiin waxay u baahan yihiin in dhaqaalo lagu taageero” ayuu yiri Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Ismaaciil Cumar Geelle Madaxweynaha Jabuuti ayaa sidoo kale ka hadlay Arimaha ka taagan deegaanka Tukeraq ee gobalka SOOl oo ay ka jirto xiisad u dhaxeysa Soomaaliland iyo Puntland isagoo labada dhinac ka dalbaday iney ka caqliyeeystaan dagaal qabiil oo ay umidoobaan Danaha iyo Mustaqbalka Soomaaliya.