TOPNEWS:-Faarax Macalin”Kawaanlihii Gabre Wuxuu Maanta Raadinayaa Meel uu Isku Qariyo”

0

Guddoomiye ku-xigeenkii baarlamaanka Kenya Faarax Macalin haatana kamid ah Siyaasiyiinta taageersan Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadlay shaqa ka ceyrintii lagu sameeyay General Gabre Heard.

Waxa uu sheegay in Gabre uu xasuuq badan ka geystay Magaaladda muqdisho, islamarkaana la joogo xiligii cadaaladda ay shaqeyn laheyd.

“Kawaanlaha Tigreega ah ee Muqdisho Gen. Gabre wuxuu maanta raadinayaa meel uu isku qariyo, ma jirto meel uu isku qarin karo.. waa waqtigii uu cadaaladda shaqeyn lahayd..” ayuu yiri Faarax Macalin.

Shalay qoraal uu soo saaray Xoghayaha Urur Goboleedka IGAD ayaa lagu sheegay in shaqadii laga ceyriyay General Gabre Heard oo ah Sarkaal Ethopia ah, islamarkaana la taliye u ahaa Maxbuub Macalin Xoghayaha Ururka.