Soomaaliya oo Kaalmaha Hore Kasoo Gashay 10-ka Wadan ee Dumar Lagu Dhibaateeyo

0

Khuburo ka kala socda dowr jaamacadood oo ku yaala caalamka ayaa soo gaba gabeeyay daraasad ay wadeen laga soo bilaabo sanadii 2011 kii taa  oo ay ugu kuur galayan wadamada lagu dhibaateeyo dumarka kunool caalamka.

Thomson oo kamid ah khuburadan daraasadan waday ayaa sheegay in kabadan 550 dumar ah ay si gooni gooni ah u wareysteen islamarkaana maanta oo Talaada ah soo saasaareen warbixin ay kumujinayaan tobanka wadan ee ugu horeeyo dalalkaasi dhibaatooyinka joogtada ah loogu geesto haweenka.

Dad fara badan ayaa isla markiiba isweydiinaya tolow soomaaliya numberkee kaga jirtaa tobankaasi wadan.

1.Dalka india ayaa kaalinta Koowaad kagalay dalalka lagu dhibaateeyo dumarka halkaa oo lasheegay in ay sare usii kacayaan gabood falada lagu haayo dumarka iyadoona warbixinta lagu muujiyay in 5 sano kahor dalkaasi uu kadhacay gabar dhigata mid kamid ah xarumaha waxbarasho ee dalkaasi halkaa oo garigii ay saarneyd lagala dagay kadibna dil iyo kufsi loogeystay gabadhaasi iyadoona waqtigaasi dowladu ay balan qaaday in ay gacanta kusoo dhigi doonaan dadkii kadambeeyay dhacdadaasi balse wax war ah aan laga helin masuuliyiinta dalkaasi.

  1. Kaalinta labaad waxaa galay dalka afghanistaan halkaa oo dumarka kunool ay la kulmaan rabshado dhanka galmada ah, caafimaad la’aan, iyo tacadiyo kala duwan oo lagu hayo dumarkaasi kunool Afgahanstan.
  2. kaalinta sadaad waxaa cariirsatay dalka suuriya halkaa oo ay kataagan yihiin dagaalo inka badan 7 sano.
  3. numberka afaraad waxaa lagu sheegay warbixinta in ay gashay soomaaliya oo lasheegay burburkii kadib 1991 dii in dumarka kunool ay dhibaatooyin kala duwan hareeyeen.

khuburadaan ayaa warbixintooda kusoo koobay dalalka kale ee haweenka ay tacadiyada kala duwan lakulmaan oo ay kamid yihiin 5.Sacuudi Carbia, 6.Pakistan, 7.Jamhuuriyada dimuqaraadiga ee Congo 8, yemen, 9, Nigeria, 10, iyo dalka marekanka.