Soomaaliland oo Dowladda Dhexe iyo Dowladd Goboleedyada Eedeen U Jeedisay

0

Madaxweynaha Somali-land Muuse Biixi Cabdi oo xalay ka hadlayay munaasibadda xuska sanad guurada 58-aad ee ka soo wareegatay markii ay madaxbanaanida qaateen Gobollada waqooyi ayaa eedeen u jeediyay Dowladda Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyadda.

Waxa uu sheegay in labadoodaba ay ka mideysan yihiin cunaqabateyn la saaro Maamulka Somali-land.

“Dagaalka ka socda Tukaraq,go’aanka dowladda Soomaaliya iyo dowlad Goboleedyadda ee deeqaha beesha Caalamka siiso,dhamaan waxay daliil cad u yihiin dagaalka lagu hayo Somali-land, Somali-land ma aqbalayso in la raadiyo Midnimo iyo in la go’doomiyo oo deeqaha Caalamka lagala dagaallamo iyada oo ay isu kaashanaayaan dowladda Federaalka ah iyo dowlad Goboleedyada”, ayuu yiri Madaxweyne Muuse Biixi.

Ugu dambeyntii madaxweynaha Somaliland waxa uu farriin u diray dawladda Soomaaliya, isaga oo tilmaamay inaan loo baahnayn curinta colaado cusub.

“Dhammaanba dadka Af soomaaliga ku hadla waxan leeyahay Somaliland waxa ay doonaysaa nabad, Soomaaliya-na waxan leeyahay way inaga duntay dawladdii, 27-sano oo silic, rafaad, dhimasho iyo waxbarasho la’aan ahna waynu ku jirnay, umana sii baahnin colaado kale oo aynu beerno.”