Dowlada Keynya oo sheegtay In Ay Howgalo Ka Bilaabayso Deegaanada Dhca Xadka Ay Lawadaagto Somaliya

0

Xaduudka Somaliya Iyo Kenya Inta Badan Waxaa Kadhaca Weeraro Inta Badan Dagaalamayaasha Alshabaab Ay Geestaan Waxaan Ay Labeegsadaan Weeraradaasi Ciidamada Dowlada Kenya Iyo Ku Somaliya Ee Xadka Kusugan.

Hasa Yeeshee Dowlada Kenya Ayaa Ku dhawaaqday In Ay Qaadayso Howgalo Kadhan Ah ALShabaaba oo Deegaanadaasi Ku Wajahan Iyo Waliba Deegaanada Alshabaab Ay Ka Joogaan Koonfurta Somaliya.

Taliyaha ciidamada xoogga dalka Kenya ayaa sheegay in howlgalkaan uu noqon doonto mid looga hortaggaayo Qaraxyadda Al-Shabaab ay u dhigaan ciidamada Kenya.

Waxaa uu sheegay in ciidamada difaaca dalka Kenya ee ku sugan Soomaaliya sidoo kale ay laba jibaari doonaan howlgallada ay ka waddaan Soomaaliya.

Taliyaha ayaa xusay in ay diyaariyeen ciidamo cusub oo loogu tala galay in ay ka qeyb galaan howlgalkaasi oo inta badan laga sameyn doono gobolka Waqooyi Bari.

Waxaa uu xusay in ay ku raja weyn yihiin in sanadkaan ay soo Afjaraan Weeraradda iyo Qaraxyadda Al-Shabaab ay ka geystaan Gudaha dalka Kenya.

Balse Madaxweynaha Kenya Ayaa Horay Waxaa uu Amar ku bixiyay in laga hortaggo Weerarada Al-Shabaab ee ka dhaca gobolka, islamarkaana lala socdo dhaqdhaqaaqa Gaadiidka soo galaya iyo kuwa ka baxaya.

Al-Shabaab ayaa dalka Kenya Weeraro ku qaadayay tan iyo sanadkii 2011 kii Mar kasoo ciidanka dowladda Kenya ay gudaha usoo galeen Soomaaliya.