SAWIRRO:-Guddoomiye Eng. Yarisow “Degmada Shingaani waxay taariikh iyo ilbaxnimo fog ku leedahay Caasimadda, waana in dib loo dhisaa lana soo celiyaa Bilicdeedii”

0

Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo xariga ka jaray xarunta degmada Shingaani oo dib-u-dayactir lagu sameeyey ayaa ugu baaqay bulshada dagan iyo dadka guryaha ku leh in loo istaago dhismaha iyo horumarinta degmada oo burbur xoog leh soo gaaray.

Guddoomiyaha ayaa ku bogaadiyey maamulka iyo shacabka degmada Shingaani sida ay ugu taagan yihiin horumarka iyo dib u dhiska degmada, isagoo sheegay in kaliya aan lagu ekaan dhismaha xarunta degmada ee isku duubnida loo badelo horumar, dib-u-dhiskuna sii gaaro xaafadaha, goobihii dalxiiska, dhismeyaasha dumay iyo xarumihii dawladda oo Shingaani ay kamid ahayd degmooyinkii ugu bilicda qurxoonaa caasimadda xiligii barisamaadka.

Duqa Magaalada Muqdisho ayaa tilmaamay in caasimadda ay hadda shacabkeedu dhisanayaan, maamulkuna u taagan yahay sidii amniga iyo nolosha dadka loo wanaajin lahaa, waxuna guud ahaan kula dardaarmay dadka Soomaaliyeed in dalka la dhisto oo cid kale lagu halayn.

“Degmada Shangaani waxay taariikh iyo ilbaxnimo fog ku leedahay caasimadda, waana in dib loo dhisaa lana soo celiyaa bilicdeedii burburka xoogga leh soo gaaray. Maadaama ay hadda Muqdisho ka jirto rajo iyo ifafaalo nabadeed iyo dib-u-soo-kabasho doorka ugu weyna leeyihiin qaybaha kala duwan ee bulshadu maamulkiinuna diyaar yahay waa in la dhisaa dhismayaasha dunsan.”Ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir

Munaasabadda xarigga looga jarayay dib-u-dhiska degmada Shingaani ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Guddoomiye-xigeennada Maamulka iyo saraakiil ka tirsan Ciidanka Qaranka.