AKHRISO:- Radio Hargeysa oo Sadex Bilood Hawadda Kamaqan

0

Wasaaradda Warfaafinta Somaliland oo Dhaqaale Buuran ku
Bixinaysa Rakibaada Kaamaradaha Qarsoon Xili 3 Bilood ku dhawaad
ay Hawada ka Maqan tahay Idaacadii Weynayd ee Radio Hargaysa!!!!!
Waxaa maalmihii u danbeeyay ka Socda Xayndaabka Wasaaradda
Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland qalabka Kaamaradaha qarsoon oo
lagu rakibayo qaybo ka mid ah Xafiisyada Wasaaradaasi iyadoo Wasaaradu
dhaqaale fiican ku bixisay rakibaada qalabkan.

Hasa yeeshee waxaa la isweydiinayaa Sababta Maamulka sare ee
Wasaaradda Warfaafintu wax uga qaban la’ yahay Idaacadii weynayd ee
Radio Hargaysa iyo inta badan FM-yadii Magaalooyinka waaweyn ee
Ceerigaabo,Burco,Gebilay iyo Boorama oo hawada ka maqan mudo ku
dhow sadex bilood isla markaana ay Shacabka Somaliland ee
deegaanadaasi ku dhaqani u maqli Karin Idaacada Radio Hargaysa oo la
sheegay in Ciladi la soo deristay iyadoo haatan dhagaysiga idaacada radio
hargaysa ay ku kooban tahay Caasimadda Somaliland ee Hargaysa oo
qudha.

Codbaahiyaha weyn ee Idaacada Radio Hargaysa ayay Ciladi la soo deristay
dabayaaqadii bishii April ee sannadkan hasa yeeshee maalmo kooban kadib
ayaa dib loo kiciyey kolkii uu dalka yimid Engineer ka socda dalka Shiinaha
oo warlaliyahan laga soo iibsaday shirkadooda nasiib daro shan cisho oo
qudha ayuu shaqeeyay xili uu dalka dib uga laabtay khabiirkii ka socday
dalka shiinaha.

Warlaliyaha weyn ee Idaacada Radio hargaysa oo awoodiisu dhan tahay
100 KWT ayaa ah ka laga dhagaysto Guud ahaan Gobolada Somaliland,
dalalka deriska ah iyo meelo ka mid ah dunnida,waana shayga ugu weyn ee
Xukuumadu bulshadeeda ku wacyigeliso waxaana Ayaan daro ah in
mudada intaas le’eg uu hawada ka maqan yahay taas oo luminaysa
bulshadii ku xidhnayd Idaacada Radio Hargaysa.

Marka aynu u soo noqono qalabkan kaamaradaha qarsoodiga ah ee lagu
dhex rakibayo kaamboolka wasaaradda warfaafinta ayaa tibaaxo u dhow
dhanka maamulku sheegayaan in lagu bixiyey dhaqaale badan kaas oo
hawl-wadeenada ka shaqeeya Wasaaradaasi ay u arkaan mid aan daruuri
ahayn wakhti xaadirkan isla markaana ay ka horeeyaan Kicinta Idaacada
weyn ee Radio Hargaysa Iyo FM-yada Magaalooyinka waaweyn ee dalka oo
daryeel la’aan u fadhiya.

Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka Iyo Wacyigelinta Somaliland Ayaan
helin Mas,uul aqoon fiican u leh shaqada wasaaradaasi taas oo dhalisay
Khilaafaad ka dhex dhasha Maamulka Sare ee Wasaaradda Warfaafinta Iyo
Qaybo ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradaasi iyo Khilaaf ka dhex taagan
Madaxda isaga saraysa hogaaminta wasaaradaasi taasi waxay keentay inuu
hoos u dhacii ugu xooganaa ku yimaado barnaamijyadii ay qaybaha
wasaaradu soo saari lahaayeen ee laga baahin lahaa Telefishanka Iyo
Idaacada Radio Hargaysa.

Si kastaba ha ahaatee Waxaa la eegi doonaa Talaabada uu Madaxweyne
Muuse Biixi Cabdi ka qaato habacsanaanta Wasaaradda Warfaafinta iyo
Xalinta Khilaafaadka soo noq noqda ee wasaaradaasi ka dhex taagan.

Suxufi Maxamed F. Cabdilaahi
Email Mohamedfaarah@gmail.com