TOPNEWS:-Maamulka Somaliland oo ka jawaabay hadalkii Madaxweynaha Puntland

0

Maamulka Somaliland ayaa ka jawaabay hadalkii Madaxweynaha Puntland ee uu  kaga hadlay Colaadda gobolka Sool.

War-saxaafadeedka wasiirku wuxuu u dhignaa sidan:-
“Maamul goboleedka Soomaaliya ee Garoowe ee uu ka taliyo Cabdiweli Cali Gaas, ayaa ka hor xaqiijiyey Baarlamaanka gobolkiisa inay ka go’an tahay inuu si sharciga ka baxsan oo xad-gudub ah duullaan ugu qaado gobollo ka mid ah dhulka Jamhuuriyadda Somaliland ee ku suntan xuduudaha caalamiga ah ee uu ka tagey isticmaarku, isla markaana hore u ayideen ururka midnimada afrika shirkoodii ka dhacay Qaahira 1964kii, isagoo ku andacoonaya xuduud ku dhisan reernimo, taasi oo haddii si heer caalamiya iyo mid goboleedba wax laga qaban waayo daandaansiga iyo gardarada Cabdiweli ay horseedi doonto in xuduudaha dalalka Afrika aanay ahaan doonin sida ay maanta yihiin, gaar ahaanna kuwa mandaqada Geeska Afrika.

Waxa kale oo aanu u sheegaynaa Cabdiweli Gaas in Laascaanood aanay noqonaynin waqooyiga Gaalkacayo, Buuhoodlena noqonayn Qardho, sidaas darteed waxaa u habboon inuu dadkiisa ka daayo beenta iyo beerlaxowsiga uu kursigiisa ku xejisanayo ama uu ku sallaxanayo muddo korodhsi ku salaysan marmarsiiyo colaadeed oo ah dagaalka uu kaga dhawaaqay maanta baarlamaanka Garoowe hortiisa.

Ugu dambayn, waxaanu xasuusinaynaa maamulka Garoowe in dawladda Somaliland ay marwalba diyaar u tahay in wada-hadal nabadeed lagu dhammeeyo arrinta u dhexaysa Somaliland iyo Soomaaliya, iyadoo la raacayo qoddobadii hore labada dhinac ugu heshiiyeen ee ka soo baxay shirkii London ee Feberwari 2012kii, qoddobadaasi oo ka fuli waayey dhinaca Soomaaliya, sida “in wadahadallada labada dhinac xuduudahoodu noqdaan sidii labadii dal ee ay kala xukumi jireen Ingiriiska iyo Talyaanigu.” Wixii ka horreeyey 26kii June 1960kii.”