DHAGEYSO:-Xisaabiyihii Wasaarada Maaliyada puntland ee gobolka Mudug oo is caslilay maxay tahay sababtu?

0

Iyadoo muddo 14 Bari ah Shaqada laga joojiyey Xisaabiyaha wasaraada Maaliyada ee gobolka Mudug Mudane Barkhadle Aadan Muuse  ayaa maanta uu iska casilay Xilkaasi.

Xisaabiyaha gobolka Mudug ayaa sheegay in wasiirka wasaarada Maaliyada dawlada Puntland uu ku khasbay inuu keeno lacago dheeraad ah oo uu sheegay in laga qaadayey gobolka Mudug.

Xisaabiyaha ayaa  markii uu xilkaasi iska casilayey oo Warbaahinta uu kula hadlayey magaalada Gaalkacyo ayaa wuxuu sheegay in madaxweynaha iyo Wasiirka Maaliyada ay kuwada Socdeen xilka qaadistiisa iyo Shaqo ka joojintiisa sida uu sheegay Xisaabiyaha.