Daawo:- Madaxweyne Gaas ” Xaashaa lilaahiye Muusow beenta waa laga xishoodaa”

0

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in Puntland dagaal lagu soo qaaday dagaal saameyn ku leh diinta, dalka, jiritaankeena reer Puntland iyo Dawladnimadeena, dagaalkaasi ayuu ku sheegay inuu yahay mid dhaafay Anshaxa suuban, Soomaalinimada iyo jaarnimadii Soomaalida lagu yiqiin, waana dagaal ayuu yiri salka ku haya been,Argagixiso iyo Isir-nacayb.

“Mudanayaal, Gobolka Sool maaha meel kawada dhaxaysa SL iyo PL, Gobolka Sool maaha gobol aan la garanayn cida iska leh oo qolo walba markeeda sheeganayso, Gobolka Sool maaha weel lagu dawarsado oo Hargeyso Mushaar looga raadsado, Gobolka Sool maaha meel uu ilaahay u qoray in shacabkeedu ilmadu gobo’leyso oo aduunku daawado, Gobolka Sool maaha Shandadd inta diyaarad lala raaco Ictiraaf lagu raadsado oo lagu baryo-tago, Gobolka Sool Dhul iyo Dad-ba waa reer Puntland waxaana laga xoreynaa cadowgu dul-hoganaya, waxaana u sheegayaa Shacabka Gobolka Sool kuma noolaan doontaan colaad,ciilqab iyo xabsiga Maamulka Hargeysa haddii Alle idmo.” ayuu yiri Madaxweyne Gaas

Wuxuu sheegay in tan iyo markii laascaanood ay ku wareegtay gacanta Somaliland in dadka reer Sool ay ku jireen dulinimo, caga-jugleyn, isku dir iyo dil joogto ah, maantana waxaa loogu daray ayuu yiri cuburin, xabsi joogto ah iyo in la yiraahdo dalka malihidin ee iska guura, waxaana uu fariin u diray madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi

Muuse Biixi waxaan leeyahay, “ Xaashaa lilaahiye beenta waa, laga xishoodaa“ wada-hadal ayaan Federaal la galayaa intaan Puntland soo weeraro, xuduud ayaan soo xirayaa, Ictiraaf –baan doonayaa horaa loo yiri “ Afkaa jeexan baa loo hadlaa iyo saa iriye, Kala aragnay tuugaa ordaayiyo eeda kii falaye”. ayuu yiri, wuxuuna sii raaciyay

“Muuse Biixi wuxuu ku doodayaa Ingiriis ayaa Gobolka Sool nasiiyay, waxaan u sheegaynaa Ingiriis dhulkaan malaha, wuxuu ahaa gumeyste maalmo joogay oo aan iska xoreynay, kumanaan Daraawiish ah iyo Soomaali kale ayaa dhiigooda u huray Naftoodana u hibeeyey si ay iskaga xoreeyaan heeryadaas gumeysiga.Haddaba, Muuse Biixi waxaan leeyahay haddii Ingiriis uu dhul kusiinayo Laascaanood maaha London, Xuduna maaha Birmingham, Taleex-na maaha Cardiff”

Gaas: Muusow Beenta Waa Laga Xishoodaa

Khudbadii Madaxweyne Gaas ee Kalfadhiga Barlamaanka ee Gobolka Sool"Muuse Biixi waxaan leeyahay, “ Xaashaa lilaahiye beenta waa, laga xishoodaa“ wada-hadal ayaan Federaal la galayaa intaan Puntland soo weeraro, xuduud ayaan soo xirayaa, Ictiraaf –baan doonayaa horaa loo yiri “ Afkaa jeexan baa loo hadlaa iyo saa iriye, Kala aragnay tuugaa ordaayiyo eeda kii falaye”.

Slået op af SAHAN Online i Lørdag den 23. juni 2018