Akhriso:-Wararkii ugu dambeeyay dableey hubeeysan oo weerar ku qaaday Saldhig ay leeyihiin Ciidamada soomaaliland

0

Dabley hubeysan oo aan la garanayn haybtooda ayaa xalay saqdii dhexe waxa ay weerar ku qadeen saldhig ciidamada Maamulka Somaliland ay ku leeyihiin Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

Iska hor imaadka oo socday saacado kooban ayaan la ogayn khasaaraha ka dhashay maadaama ay aheyd Xili habeen ah, waxaana Saraakiisha Ciidanka Maamulka Soomaaliland oo ka hadlay Weerarka Xalay lagu sooqaaday ayaa waxa ay shegeen in Weerar Xalay lagu soo qaaday Saldhigga ay ku lee yihiin Magaalada Laascanood in ay ka dambeyeen Ciidamo burcad ah oo taabacsan Maamulka Puntland sida ay shegeen Saraakiisha Maamulka Soomaaliland.

Wararkii ugu dambeeyay ee inaga soogaaraya Magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in xaaladu ay aad u kacsantahay islamarkaana Ciidamada Maamulka Soomaaliland ay wadaan Howlgal ay ku xaqiijinayaan Amniga Magaalada Laascanood ee Gobolka Sool.