Akhriso:-Dil ka dhacay magaalada gaalkacayo

0

Nin hubeysan ayaa xalay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ku dilay laba Dumar ah, kaas oo rasaas ku furay labadaan Dumar oo marayay Xaafada Garsoor ee magaaladaasi.

Mid ka mid Dumarkaasi ayaa isla goobta ku geeriyootay halka mida kalane dhaawac looga qaaday goobtaasi inkastoo markii dambe ay ugu geeriyootay dhaawacaasi, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen saraakiisha caafimaadka cisbitaalka magaalada gaalkacyo.

Ciidamada amaanka ee magaalada Gaalkacyo ayaa markii uu dhacay falkaasi kadib goobta ka sameeyay howgalo baaritaano ah oo lagu baadi gaabayay ragii ka dambeeyay dhacdadaasi, inkastoo aysan jirin dad loo soo qab qabtay weerarkaasi lagu dilay labada Dumar ah.