Akhriso:-Abiy Ahmed Oo Talaabo Qaaday Kadib Qaraxii Dhacay

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa qaraxii shalay ka dhacay Magaalada Adis ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya.

Qaraxa ayaa ka dhacay Fagaaraha Meskel Square ee bartamaha magaalladda Addis Ababa oo ay isugu soo baxeyn boqolaal kun oo taageersanaa Isbadalka ka dhacay dalkaas.

Inta la xaqiijiyay 1-qof ayaa ku dhintay qaraxa, halka ay ku dhaawacmeen 100-ruux oo shacab ah, sida ay xaqiijiyeen Laamaha caafimaadka.

Dhanka kale Ciidanka amaanka Ethopia ayaa xiray labo Haween ah,9 Saraakiil Boolis ah iyo Ahmed Shide oo ahaa Wasiirka Xafiiska Iskaashatada Dowladda Itoobiya (GCAO), kuwaasi oo lagu tuhmaayo qaraxa dhacay Magaaladda Addis Ababa.

Saraakiisha Booliska ee la xiray waxaa ka mid ah Taliye ku xigeenka Booliska Federaalka ee Adis ababa.

Waxaa lagu tuhmayaa in ay ka  dambeeyeen Qaraxa,waxaana socda baaritaan lagu sameynayo.

Raisulwasaaraha Ethopia Abiye ayaa shalay gelinkii dambe ilaa xalay booqanayay Isbitaallada ay ku jiraan dadka ku dhaawacmay Qaraxa ka dhacay gaaraha Meskel Square ee bartamaha magaalladda Addis Ababa.