DHAGEYSO:- Weraar lagu qaaday Ciidamo ku sugnaa Gobalka shabeelaha Hoose

0

Rag hubeysan ayaa xalay wax ay weerareen kolonyoay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya xilli ay ku socdaalayeen duleedka degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Kolonyadaas ayaa waxaa watey Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ee ka howlgalla Gobolka Shabeellaha hoose,waxaana masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Shabeellaha hoose ay xaqiijiyeen in la weeraray xilli ay marayeen deegaan dhanka Walaweyn ka xiga 7km degmada Afgooye,isla markaana khasaaro uu ka dhashay weerarkaas.

Guddoomiye ku xigeenka Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose Cabdi Fitaax Xaaji Cabdulle oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Ciidamadaas ay ka yimaadeen Saldhiga ay ku leeyihiin Garoonka Diyaaradaha Balli-doogle ee G/Shabeellaha Hoose,isla markaana Saddex Gaadiid ah la gubay.