DHAGEYSO:-Dhacdo Argagax leh oo Muqdisho ka taagan & Shacabka oo ka hadlay

0

Muddo ka badan 24 saacadood ayaa Isbitaalka Martiini oo deegaan u ah Ciidamada Difaaca Soomaaliya ee ku Naafoobay dagaalka Soomaaliya iyo Itoobiya sanadkii 1977-1978  waxaa lagu arkayaa Shimbiro aan nuucooda wali la arkin sida ay sheegeen dadka waaya jooga Soomaaliyeed kuwaas oo ku dhimanaya Gudaha Isbitaalka muddo yar kadib markii ay soo dagaan.

Boqolaal Shimbirahaas ka mid ah ayaa saacado gudahood isku dhax dilay Isbitaalka, Ciidamada ku sugan Isbitaalka ayaa sheegay in Shimbiraha ay iyaga is dilayaan meelna aysana uga baxeyn Gudaha Isbitaalka, sidoo kale waxaa la sheegay iney ka soo qul qulayaan dhinaca Badda.