Akhriso:-Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Oo Shaaciyey Khasaaraha Ka Dhashay Qarixii Addis Ababa

0

Ra’isul-wasaare Abyi Ahmed oo ka hadlay Telefishinka dalkiisa ayaa sheegay inay dhowr qof ku geeriyootay qaraxii lala beegsaday Dibadbaxii ballaarnaa ee saakayto ka dhacay Caasimadda dalkaasi ee Addis Abeba.

Waxa uu  sheegay in dadkaasi lagu dilay Weerarkaasi ku tilmaamay weerar si wanaagsan loo soo abaabulay”, wuxuuna u tacsideeyey dhamaan qoysaska Dhibanayaashaasi.

Weriye ka tirsan Wakaalladda Wararka AP ayaa  sheegay inuu arkay in ka badan Tobaneeyo qof oo ku dhaawacantay qaraxaasi

Muuqaalo ayaa waxay muujiyeen Ra’isul-wasaare Abyi Ahmed oo ay Ilaaladda Ammaanka ka saarayeen goobta uu Qaraxu ka dhacay.