DHAGEYSO:-Xildhibaan Afaraale oo eedeeyay Ciidanka Millitariga Soomaaliya

0

Qaar ka tirsan xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaliya ayaa rag ku lebisan dareeska ciidanka Millitariga ku eedeeyay in 19 gabdhood bishan gudaheeda ay kufsi ugu geysteen wadada xiriirisa Muqdisho iyo Baydhabo.

Xildhibaanadan ayaa waxa ay Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka la wadaageen dhibaatada ka taagan wadada xiriirisa magaalada Muqdisho iyo Baydhabo.

Xildhibaan Maxamed Xuseen Afaraale ayaa waxa uu sheegay in bishan June gudaheeda la kufsaday 19 gabdhood, oo 11 ka mid ah gabdhahaasi hal maalin la kufsaday.