DHAGEYSO:- Maamulka Gobalka Hiraan oo dhaqan galiyaay Xabad joojin u dhaxaysa Beelo

0

Maamulka deegaanka Moqakori ee Gobolka hiiraan ayaa faah faahin ka bixiyey xalinta laba maleeshiyo beeleed oo ku dagaalamay tuulooyin hoostaga deegaanka Moqakori.

Labadaasi beelood ayaa waxaa dhexmaray dagaal geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah,waxana taasi keentay in maamulka deegaanka iyo waxgaradka ay ka qeyb qaatan sidii xal looga gaari lahaa dagaalkaas.

Guddoomiyaha deegaanka Moqakori ee Gobolka Hiiraan Xasan Makaraan Cali ayaa sheegay in maleeshiyaadkii wada dagaalamay ay ku guuleystaan in ay xabad joojin kala dhex dhigaan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Maamulka oo garab ka helaya waxgaradka deegaanka ay wadaan waan waan ku aadan sidii xal looga gaari lahaa dagaalkaas.