Akhriso:-Xildhibaan Axmed Macalin fiqi oo Siyaasada Farmaajo ku tilmaamay Mid God ku rideysa

0

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliyeed ayaa ka falceliyay Wareysi uu siiyay Madaxweyne Farmaajo Warbaahinta dowladda.

Xildhibaanada waxaa uu sheegay in Madaxweynaha uusan ka jawaabin Su’aallo badan oo ay u baahnaa in jawaab laga siiyo Shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaa lala yaabay mar madaxweynuhu uu ku faanayey in bishii Ramaadaan aan hal qarax dhicin, waa wax fiican, umaddana Allaha ka haayo, ciidankeenuna waa mahadsan yihiin, laakin waxaa muuqata madaxweynuhu inuu dhibaato ku qabay oo malaha hurdada ay ka qasi jireen qaraxyadu ee aysan u muuqan boqolaalka qoys ee reer Muqdisho ee dadkoodii ay jeclaayeen la laayey bishii Ramadaan oo uusan xitaa u quurin inuu u tacsiyadeeyo” ayuu yiri Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi.

Xildhibaan Fiqi ayaa sidoo kale waxaa uu dhaliilay heshiiskii ay wada gaareen Soomaaliya iyo Itoobiya oo uu ku tilmaamay mid halis ku ah umadda Soomaaliyeed.

“Abiy Axmed markii uu Adis Ababa ku noqday waxa uu sheegay in taariikhda colaadaha ka dhexjira Soomaaliyaa iyo Itoobya uu eedeeda dusha uga tuuray hogaamiyaashii hore ee labadaas dal ee kala ahaa AUN Siyaad Barre iyo Mingisto, ayadoo aad moodid kooxaha sax weeye iyo been ma sheegayaasha villa Somalia in ay arintaas buunbuuninayaan, laakin arrimaha labada dal ka dhexjira waa ay ka qoto-dheer yihiin intaas, tusaale ahaan; dagaalkii 77 -78 tirakoobka khasaarihii nafeed ee ka dhashay sida uu u qorayo buugga dagaaladii Soomaaliya iyo Itoobiya ee uu qoray Prof. Faarax Qare, dhimashada Itoobiya 6,133 qof, dhaawaca 10,563, qabasho/lumis 3867, dhanka Soomaaliya: dhimasho 6,453, Dhaawac 2,409, Qabasho/lumis 275” ayuu yiri Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi.

Muran badan ayaa ka dhashay Heshiis dhawaan ay wada gaareen dowlddaha Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaana dowladdu ay sheegtay in heshiiskaasi dani ugu jirto Umadda Soomaaliyeed