SAWIRRO:-Turkiga Oo Balan Qaaday Inuu kordhinayo Tababarida Ciidanka Xoogga Dalka

0

Wasiirka Gaashaandhiga dawladda Federaalka Soomaaliya Xasan Ali ayaa maanta kulan kula qaatay xafiiskiisa safiirka Turkiga ufadhiya Soomaaliya.

Masuuliyiintaan ayaa ka arrinsaday hawlaha uu Turkiga kawado Soomaaliya gaar ahaan saldhiga uu ka dhisay duleedka magaalada Muqdisho.

Kulanka inta uu socday waxuu safiirka Turkiga ufadhiya Soomaaliya balan qaaday inay Dowladiisu kordhin doonto taageerada dhinaca tababarada ciidamada iyo qalabeyntooda.

Wasiirka Gaashaandhiga ayaa uga mahad celiyay safiirka balan qaadka uu sameeyay,asigoona amaanay kaalinta uu Turkiga ka qaadanayo soo kabashada Soomaaliya.