SAWIRRO:-Gudoomiyaha BFS oo Ka Hadlay Fal AMISOM Kula Kaceen Mahad Cawad

0

Ku simaha Madaxweynaha JFS ahna guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada ee golaha shacabka.

Kulanka oo ahaa kii 32-aad oo ay yeeshaan guddiga ayaa ka dhacay Xarunta Villa Hargeysa, waxaana looga hadlay howlaha golaha shacabka.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka koowaad iyo guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha.

Ugu horeyn waxaa warbixin laga dhageystay guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad.

Warbixinta ayaa la xiriirtay dhismaha iyo howlaha dayactirka ee ka soconayo xarumaha golaha shacabka iyo xafiisyada cusub ee loo sameynayo guddiyada.

“ Mudane guddoomiye howlaha dayactirka ee aad ku dhawaaqday si wanaagsan ayay ku socotaa, dhowr jeer ayaa koormeernay aniga iyo xildhibaano kale howlaha socda talooyinkeena waa ku biirinay” ayuu yiri guddoomiye Mahad.

Waxa uu soo jeediyay in inta lagu jiro fasaxa labada bil in guddiyada golaha ay shaqeeyaan oo ay diyaariyaan shuruucda muhiimka ah, sidoo kalena ay helaan tababaro aqoon kororsi ah.

Xubnaha guddiga joogtada ayaa soo jeediyay in guddoomiyaha golaha shacabka uu dib u eegis ku sameeyo qorshaha afarta sano ee golaha shacabka si waqtiga haray looga faa’iideysto iyo in guddoomiyaha uu la socdo qorshe howleedyada guddiyada golaha.

Xubnaha ayaa ku amaanay guddoomiyaha isbadalka dhanka qurxinta iyo dayactirka uu ku sameynayo xarunta golaha shacabka iyo xafiisyada.

Ku simaha Madaxweynaha JFS ahna guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo kulanka soo xeray ayaa sheegay in meel wanaagsan ay u mereyso qorshaha uu daryeel caafimaad ku siinayo Xildhibaanada iyo qoysaskooda.

“ Intii aan ku sugna dalka Turkiga waxaa la kulmay saraakiil caafimaad oo aan saaxiibo nahay oo masuul ka ah isbitaal gaar loo leeyahay oo ka shaqeeya Turkiga waxan kala hadlay arrimaha caafimaadka iyo sidii isbitaal gaar ah loogu sameyn lahaa golaha shacabka maadaama qodobadii aan idiinka balan qaaday ay ka mid ahayd” ayuu yiri guddoomiye Maxamed Mursal.

Guddoomiyaha waxa uu sheegay in wax laga qabanayo qodobada ay soo gudbiyeen Xildhibaanada iyo guddoomiye ku xigeenka labaad.

Ugu dambeyn guddiga joogtada ayaa isku raacay in fasaxa golaha shacabka laga dhigo 10 Julaayo ee bisha soo socoto ilaa 10 bisha September maadaama ay xildhibaanada xaq u leeyihiin labo bilood oo fasax halkii kalfadhi.