RW Khyerre “ma jiro heshiis lala galay Itoobiya, Dekedna ma bixin”

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre ayaa markii ugu horeysay ka hadlay warar maalmihii ugu dambeeyay aad looga hadal haayay gudaha wadamada Soomaaliya iyo Itoobiya.

Kheyrre oo la hadlay Jaaliyadda Soomaalida ee Dalka Norway ayaa sheegay in wararka la qoray iyo kuwa ay baahiyeen Warbaahinta Soomaalida aysan xaqiiqda heysan lagana been abuuray Madaxda Qaranka si kalsooni darro loo giliyo Shacabka Soomaaliyeed.

“Ma jiro heshiis aan la galnay Itoobiya ee waxaa dhacay is afgarad, ma jirto Dekad aan bixinay, waxaa is kaleh Dekadaha dadka Soomaaliyeed, macquul maahan in Dowlada ay bixiso hantida shacabka iyo dhul Soomaaliyeed ee wararkaas waxaa baahiyey dad aan Dowladnimada waxba ka aqoonin” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kherre.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay iney Muqdisho ku soo dhaweeyeen Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayna wada gaareyn is afgarad Labada Dal ah si looga gudbo xumaan iyo kala shaki sanado badan soo taagnaa kaas oo dan ugu jirin Labada Shacab sida uu hadalka u dhigay Kheyrre.