Madaxweyne Farmaajo oo maanta shir uga qeyb galaya Dalka Itoobiya.

0

Maxamed C/llaahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta uu u ambabaxo Dalka Itoobiya si uu uga qeyb galo Shir deg deg ah oo ay isugu imaanayaan madaxda urur Gobaleedka IGAD.

Shirkaan oo looga hadlayo xaaladda Dalka Koofurta Suudaan ayaa ah mid deg deg ah oo la iclaamiyey maalmo ka hor waxaana Soomaaliya ugu qeyb galaya Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hogaaminayo.

Madaxweynaha ayaa maalmaha uu halkaasi ku sugan yahay waxa uu kulamo la qaadan doonaa hogaamiyaasha Wadamada IGAD ee maanta lagu wado iney so gaaraan dalka Itoobiya.